Press "Enter" to skip to content

Bandhiga dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo ka furmay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Waxa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi Bandhigga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed 2025 kaas oo ka socon doona Mall-ka Two Rivers Mall.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigayaa muusiga, suugaanta, cuntada, farshaxanka, hal-abuurka iyo carwooyinka ka tarjumaya hodantinimada dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaalida.

Bandhigga ayaa sidoo kale lagu iftiimin doonaa aqoonsigeenna dhaqameed, isla markaana lagu xoojinayo wada-noolaanshaha, isku-duubnida, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhaxeeya dadka ku nool Kenya.

Inta uu socdo bandhigaan, habeen kasta waxa uu lagu soo bandhigaya  riwaayado iyo dabbaal-dega dabridka “fireworks”.

Dadka Soomaalida ayaa ah dad guulo badan ka gaaray ganacsiga, magacna u soo hooyay dadka Soomaalida, hadana waxa jira dad dareen xun ka faafinaya dadka Soomaaliyeed.

Bandhigaan waxa uu wacyi kordhin u sameeynayaa dadka Keenyaanka ah isla markaana waxa uu sare u qaadayaa hamiga dadka Soomaalida, gaar ahaan Jiilka soo koraya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r