Press "Enter" to skip to content

Wasiir arrimaha guddaha XFS oo ka qayb galay shir heer wasiir oo dalalka IGAD kaga arinsanayeen baaqa Nabada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga

Mudane wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaxootiga, Dadka soo guryo noqday, Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka Banii’aadnimada, isbadalka cimillada iyo abaaraha ay keenaan.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaiya mudane Cali Xoosh.

Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah sida; ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo isna la meel mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r