Press "Enter" to skip to content

Wasiir Cadaay oo kormeeray dugsiyada degmada Matabaan

Matabaan(SONNA):-Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaa  kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Ma’muun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r