Press "Enter" to skip to content

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, la dagaallanka argagixisada, iyo mashaariicda lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka, taasoo gacan ka geysaneysa xasiloonida Soomaaliya, ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r