Press "Enter" to skip to content

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaasi oo ka soconaya magaalada Muqdisho.

Shirweynahan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daaran dood cilmiyeedyo kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kaalinta dawlad-wanaagga ee xasiloonida iyo horumarinta bulshada. Sidoo kale, waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay doodo gaar ah oo looga hadlayo horumarka amniga dalka iyo guulaha Ciidamada Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta.

Shirweynaha waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Muqtaar Roobow, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS, iyo culumaa’udiin ka kala yimid guddaha dalka iyo dibeddiisa

Ka qeyb galayaasha shirweynaha ayaa qeyb ka ah doodaha, iyaga oo su’aalo weydiinaya culimada, borofisarada, iyo aqoonyahannada ka qeyb galaya dooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r