Press "Enter" to skip to content

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay NIRA gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhismaha iyo hormarinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay doodo iyo cilmi-baarisyo muhiim u ah horumarinta adeegyada aqoonsiga iyo casriyeynta nidaamka maamulka xogta muwaadiniinta.

Shirka waxaa ka qeyb galaya hay’adaha dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay, wakiillo caalami ah iyo marti sharaf kale.
Maanta ayaa lagu wadaa in shirku si rasmi ah u soo gabagaboobo, waxaana soo xiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r