Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Faysal Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Xoghayaha ayaa sheegay in shirkan, oo diiradda lagu saari doono dib-u-habeynta hay’adaha caddaaladda, xoojinta iyo awood-siinta laamaha garsoorka, uu si rasmi ah u furmi doono 22–23 November 2025.

Shirweynahan ayaa noqonaya madal qaran oo sanadle ah, waxaana isugu imaan doona bahda garsoorka iyo caddaaladda dalka, si ay uga wada hadlaan hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda Soomaaliya. Waxaa ka qayb geli doona ergo kala duwan oo ka socda dowladda federaalka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, ururada bulshada rayidka, iyo marti sharaf kale.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r