Press "Enter" to skip to content

Ururka JSP oo Guddoomiye Muungaab u doortay musharraxooda Gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad ballaaran oo lagu hawlgelinayay Hawlwadeennada Ololaha Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay hawlwadeenno iyo taageerayaal badan, kuwaas oo muujiyay firfircoonida iyo diyaar-garowga ay u leeyihiin hirgelinta qorshaha ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabadda kasoo qeybgalay Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka,Xoghayayaal, Garabyada kala duwan ee Ururka, Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay Murrashaxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee u taagan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r