Press "Enter" to skip to content

Shirka carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Nairobo

Nairobi-(SONNA)-Shirka qorshaynta carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Xarunta Tababarka Nabadda iyo Gargaarka Bani’aadamka (Humanitarian Peace Support Training Centre), Nairobi, Kenya.

Waftiga Soomaaliya ugu qaybgalaya shirka oo uu hoggaaminayo Gaashaanle sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska tababarka iyo Doktorinka XDS (oo ah madaxa waftiga), ayaa ka kooban saraakiil ka socda Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirkan ayaa lagu qorshayn doonaa wajiga koowaad ee carbiska howlgallada wadajirka ah, wuxuuna socon doona muddo saddex maalmood ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r