Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Jowhar kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa magaalada Jowhar u tegay ka qaybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee Soomaaliya (CHF) oo la filayo inuu si rasmi ah u furmo berri.

Kulanka labada mas’uul waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, ka jawaabista masiibooyinka, iyo hormarinta howlaha bini’aadannimo ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabelle soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Madasha CHF ay muhiim u tahay mideynta dadaallada gurmadka iyo iskaashiga hay’adaha samafalka ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r