Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee UNWTO.
Madaxda uu Wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Afrika ee UNWTO, Elcia Grandcourt, iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga, Beka Jakeli.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinaca dalxiiska. Wasiirka ayaa madaxda UNWTO uga warbixiyay koboca adeegyada dalxiiska ee dalka iyo siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku wajahan horumarinta dalxiiska, taas oo ku dhisan casriyeynta adeegyada iyo hirgelinta barnaamijyo kor u qaada aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.
Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan hirgelin doonto machadyo heerar kala duwan leh oo lagu baran doono dalxiiska iyo martisoorka.
Madaxda UNWTO ayaa soo dhoweeyay dadaalka ay Soomaaliya ku waddo dib u soo nooleynta dalxiiska, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka si kor loogu qaado horumarinta iyo maalgelinta dalxiiska dalka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa haatan ku sugan magaalada Riyadh, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirweynaha Guud ee 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay, oo sanadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.




Be First to Comment