Press "Enter" to skip to content

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Kampala-(SONNA)-Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo xiray 48 Saraakiil Soomaaliyeed ah oo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Askartan ayaa qayb ka ahayd 498 Sarkaal oo tababar heerkiisu sarreeya ku qaadanayay muddo Sanad ah dalka Yugaandha.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yugaandha, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Yugaandha ayaa horay tababarro kala dwuan ugu fidisay dalkeeda cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyadoo door muhiim ah ka ciyaaraysa howlgallada xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r