Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Caddaaladda XFS oo furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda oo loo qabtay howlwadeennada Wasaaradda, kaas oo qeyb ka ah Mashruuca Maareynta Ammaanka, Caddaaladda iyo Isla-Xisaabtanka (SJGAP).

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo fahamka iyo karaanka howlwadeennada hay’adda, si ay si hufan oo waxtar leh u diyaariyaan miisaaniyadda sannadlaha ah, taas oo muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee waaxyaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r