Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waaji

Waajid, Bakool SONNA — Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa maanta kormeeray iskuul taariikhi ah oo arday danyar ah si lacag la’aan ah ugu helaan waxbarasho tayo leh.

Iskuulkan, oo la aas aasay sannadkii 1945-kii, ayaa ka mid ah dugsiyada ugu fac weyn ee gobolka Bakool, wuxuuna soo saaray aqoonyahanno iyo masuuliyiin door muuqda ku lahaa adeegga Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda waxbarasho ee carruurta danyarta, isagoo baahiyaha jira ka dhageystay macallimiinta, maamulka iyo ardayda dugsiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa lagu ammaanay tabarucaadkii uu ugu deeqay mushaarka 20-ka macallin ee halkaas ka shaqeeya, si loo hubiyo in ardayda danyarta ahi ay si joogto ah u helaan waxbarasho bilaash ah oo tayo leh.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r