Press "Enter" to skip to content

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Qaahira(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad Abdirasaq Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galay shir caalami ah.

Shirkan oo lagu magacaabo shirkii 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira,Waxaana diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta ay sababtay is bedelka cimiladu taas oo ay wajahayaan wadamada carabtu iyo sidii maalgalin loogu heli lahaa xal u helida arrinkaas.

Wasiir Dowlaha oo shirka hadal ka jeediyey wuxuu ku nuux nuuxsaday fursadaha iyo caqabadaha la xiriira biyaha Soomaaliya sida burburka ku dhacay kaabayaashii waraabka iyo fursadaha maalgalineed ee ka jira dhinaca beeraha Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay inay wadamada carabta iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay biyo yaraantu ku hayaan beeraha.

Wasiirka ayaa khudbadiisa kusoo gabagabeeyay qorshayaasha uga degsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS kuwooda hortabinta u leh si loo helo sugnaan cunto oo ay Soomaaliya yeelato.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r