Press "Enter" to skip to content

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Rome(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula kulmay dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD, maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah Qorshaha Mattei ee Talyaaniga.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r