Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Raila Odinga

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii wanaagsanaa ee Raila uu ku lahaa dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo xusay in uu khibrad weyn u lahaa xalinta khilaafyada iyo ilaalinta wadajirka iyo iskaashiga ummadaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan walaalahooda Kenya murugada geerida ku timid Ra’iisul wasaare Raila Odinga oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha saameynta togan ku lahaa xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd, daris wanaagga iyo taariikhda faca weyn ee ka dhaxaysa labada shacab.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r