Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ay xusuustooda ku weyn tahay weerarkii 14-ka Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa intaa ku daray in Muqdisho ay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin.

“Maanta waxaan xusuusaneynaa dhibbanayaashii weerarkii argagixiso ee 14-ka Oktoobar 2017, Muqdisho waxay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin”.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in tani tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay udiyaargarowga masiibooyinka, ka jawaabidda iyo dib u dhiska.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa yiri “Waxaan weligeen xasuusan doonnaa kuwii naftooda ku waayay, annagoo ka shaqeynayna nabad, badbaado iyo Soomaaliya adkaysi leh”.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r