Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo tegay Awdheegle oo laga xoreeyay Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib, markii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka khawaarijta ee muddo halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada geesiyaasha ah iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ku ammaanay dadaalkooda iyo guulaha isdaba-joogga ah ee ay ka gaareen howlgalka “Duufaanta Aamusan” ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka degmada Awdheegle, iyagoo ka wada hadlay qorshaha xasilinta degmada, dib u dejinta shacabka, soo celinta noloshii caadiga ahayd, iyo xaqiijinta amniga deegaanka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r