Press "Enter" to skip to content

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo ku saabsan waxbarashada iyo cilmi-baarista

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, soona gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah;

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ku saabsan Tacliinta Sare.

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa looga dhageystay wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r