Press "Enter" to skip to content

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo qurbajoog ah

Muqdisho (SONNA): Maareeyaha Dekadda Muqdisho mudane danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta Dekadda weyn ee Caasimadda JFS kusoo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.
Ganacsatadan Soomaaliyeed ee soo booqatay Dekadda Muqdisho ayaa ka kala socday Dekadda Garacad iyo sidoo kale Mareykanka, kuwaas oo kormeer socod ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekadda Caasimadda, xiligaas oo ay ka socotay shaqa baaxad leh oo loogu adeeyay umadda Soomaaliyeed, iyaga oo bogaadiyay horumarka muuqda ee ka jira Dekadda Magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Dekadda Muqdisho mudane danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa sheegay inay ka go’an tahay tallaaba kaste oo lagu horumarinaayo sidii Dekadda Muqdisho ay u noqon laheyd mida ugu wanaagsan Afrika.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r