Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa faray hay’adaha dalka ka shaqeeya in ay si cad u muujiyaan waxqabadkooda, lana jaanqaadaan qorshayaasha dowladda.
Wasiir ku xigeenka oo shir guddoominayay kulan ay ka qayb galeen Dalladda Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo waaxda kormeerka iyo qiimaynta (MED) Wasaaradda ayaa intaa ku daray in isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu ay yihiin tiirarka kalsoonida shacabka iyo dowladda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista iyo isla-xisaabtanka Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo lagu soo bandhigay natiijooyinka wajiyadii hore ee qiimaynta laguna dhawaaqay bilowga wajiga afaraad ee xog uruuinta.
Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay kulanka diyaarinta shirweynaha labaad ee kormeerka iyo daraasaynta, dhismaha ururka qiimaynta Soomaaliya (Somalia Evaluation Society) iyo dejinta qorshaha shaqo ee 2026 si loo xoojiyo wada shaqayn hufan iyo isla-xisaabtan.
Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in la dardargeliyo kulamada saddex biloodlaha ah ee isku-duwidda, si loo horumariyo iskaashi wax ku ool ah iyo horumar waara, wuxuuna wasiir kuxigeenku caddeeyay go’aanka Wasaaradda ee ah xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo hirgelinta horumar waara.
Be First to Comment