Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Warfaafinta: “Dalxiiska Soomaaliya wuxuu door weyn ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha dalka”

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in dalxiiska Soomaaliya uu door weyn ka qaadanayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dalxiiska Soomaaliya wuxuu door weyn ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha Dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”.

Wasiirka oo furayay munaasabadda Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya ee 2025 oo ay Muqdisho ku qabatay Wasaaradda Warfaafinta XFS, ayaa intaa ku daray in dalxiisku uu yahay muraayadda tuseysa heerka deggenaasho, amni, xasillooni iyo isku filnaasho dal walba uu leeyahay, taas oo ka tarjumaysa maqaamka uu waddan kasta ku leeyahay Caalamka.

Daraasad Qaran oo ay samaysay Wasaaradda Warfaafinta sanaddii 2023-kii ayuu sheegay in ay ku caddahay doorka adeegga dalxiisku uu ku leeyahay shaqa abuurka, maal gashiga, xoojinta dhaqanka, furana uu u noqon karo dedaallada dowladda ee nabadeynta iyo xasilinta dalka, iyadoo lasoo jeediyay in la furo Maxad lagu barto arrimaha dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in ay Soomaaliya qani ku tahay kheyraad kala duwan oo ay ka mid yihiin xeebaha ugu dheer bariga Afrika, goobo Taariikhi ah, kheyraad badda iyo berriga ah, dhaqan hodan ah iyo dhallinyaro u carbisan arrimaha dalxiiska, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay dalxiiska Soomaaliya maqaam ka dhex muuqda geeska Afrika.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambayn sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay dhaqan gelinta ajandaha Qaran ee horumarinta dalxiiska, iyadoo shirkadaha ka qayb qaadanayana lagu qiimeyn doono tayada adeegga dalxiis ee ay macaamiisha u fidinayaan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r