Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kormeeray waaxyaha adeeg bixinta Safaaradda iyo xafiisyada mas’uuliyiinta, isaga oo dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ku bogaadiyay Diblumaasiyiinta iyo Howlwadeennada Safaarada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r