Press "Enter" to skip to content

Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka wadaan Ciidamada Qaranka, wuxuunna ku bogaadiyay ciidamada uu kula kulmay deegaannada uu kormeeray guulaha ay gaareen iyo jabka culus oo ay gaarsiiyeen Khawaarijta naf-lacaariga ah.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa geesiyaasha is-garabsanaya faray in ay soo afjaraan goobaha gabaadka ay ka dhiganayaan cadowga.

Waxaa howlgalka kormeerka Taliyaha ku wehelinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r