Gaarisa — Ururrada bulshada rayidka ah ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa baaq nabadeed u diray, beelo dhawaan ku dagaallamay degmada Tana River oo ka mid ah deegaanada xadka la leh magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.
Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen isku dhacyadi ugu danbeeyay ee labada beel, kuwaas oo isku heysta dhul daaqisin ah.
Colaaddani iyo baaqa nabadeed ayuu wariyaha VOA-da ee Gaarisa, Maxamed Farax Shire ka wareystay Mukhtar Macallim oo ah isku-duwaha Arrimaha Bulshada ee Hay’adda Africa Charity Aid ee ka howlgasha Gobolka Waqooyi Bari.
Comments are closed.