The largest online collection of Somali poetry
Maxamad Cabdiqaadir Daauud wuxuu curiyey maansadan August 13, 2003 wuxuuna kula dardaarmayaa walaashii ka yar. Wuxuu yidhi:
·Saynabeey walaaleey
·laba sidig kalgacalada
·saynsaab isugu xiran
·illaa sabi ahaantii
·isu saadiqdaa nahay
·saableeyda hoosiyo
·sambabkiyo halbowlaha
·sidayaasha dhiiggiyo
·saymaha nafteydaad
·saddax iyo sagaal goor
·soddon jeer ku qoran tohoo
·sakan lagu hoydiyo guri
·ina-hooyo saxaneey
·saqaf weyn ku leedahoo
·xididada salkoodiyo
·seedaha iyo maankaad
·seexataa dhammaantood,
·ood sulansuleysaa
·sawirkaaga, gacalooy
·ma siisteen sad iyo lacag
·iyo dahab la saanyado
·amma sool nafteydii
·sammir iyo dulqaad baan
·huunno kugu sabaaliyay
·saadaal wanaag iyo
·salaan diiran iga hoo.
·Sidaad iigu dheertahay
·ma sifeen karaayoo
·soomaali uma hayo
·aan kuugu seeroo
·ma sargoyn karaayee
·haddaan kuu sawira oon
·kuu yara sarbeebana,
·rubaddaa i sarakici
·seexan mahayo caawoo
·waan kugu salalayaa,
·Saynabeey walaashayey
·saqiir wada dhashaa nahay
·suul iyo far baan nahay
·siigiyo dhul baa nahay
·sagal iyo cir baa nahay
·sariir iyo dad baa nahay
·geed iyo sal baa nahay;
·sidii subax mahiigaan
·waqal seermaweyda ah
·saxaansaxada oo kaleey
·nafta kuugu sammirtaa
·saadaal wanaag iyo
·salaan diiran iga hoo.
·Saqdidhexe habeenkii
·seexdeen dadkoo idil
·socod iyo saqaaf jirin
·salaan iyo bariidiyo
·inna uu sawaxan jirin
·ayaan soo xasuustaa
·Saynab barisammaadkii
·sabi-dheelliddeenii
·wada-socoshadeenii
·sawdkeedi hooyee
·nafta lagu sasabi jiray
·subaansalaaxii
·seexda nalagu oran jiray
·Aabbe soor hambeyntii
·Safiyooy uu dhihi jiray
·ma samreen ciyaalkii,
·labadii na wada siday
·ee nalaga soo saray
·sidey noo daryeeleen
·amma noo sabaabsheen
·markaasaan sagaal goor
·sawirkaaga dheehdaa
·amma beerka saartaa
·saadaal wanaag iyo
·salaan diiran iga hoo.
·Walaashayeey sir iyo caad
·Aabbaheen ha sahashanin
·sadrigaaga galiyoo,
·ducadiisa sahansoo
·waligaa ka samo dalab,
·waxaa guul salgaaraa
·qofkii waalidkii sadee
·u samraa adduunyada,
·sistiyeey ha saaqidin
·shahaadada sax oo say
·sidey tahayna u ajiib
·salaadaha shanta ah oog
·sakada waa sunnee dhiib
·soddonkiisa maalmood
·yuu ku seegin soonkoo
·waa silsilad ibliiska uu
·Rabbi nagaga seeree
·sawdkaaga ka adkoow
·xajkana waa sunnee gudo
·u socdaal walaashayeey
·hadduu saamax kuu yahood
·surunkiisa haaysaa
·saadaal wanaag iyo
·salaan diiran iga hoo.
Be First to Comment