Press "Enter" to skip to content

Yaa Muran ka Qaba

The largest online collection of Somali poetry

  • Jiilaal Maqaafa abaar laysku, mohan waayey

  • Alla soo cirkoo murugsanaa, meelo kama hooro

  • Oo soo masaafiyo kob dheer, mayey ma qaadsiiyo

  • Minankii halloo furo haddii, meel laysugu keeno

  • Oo soo maroog laguma rogo, meyle luquntiisa

  • Minka reerka oo wada maljadan, meel ma soo ju’isey

  • Dhurbadii marrayd iyo markaa, kabadi maw miistay

  • Siddeed miiciyood oo udbo aha, ma isku misaantay

  • Mudka cayn ma kaga jiiday iyo, maydhaqa hortiisa

  • Sida cadaw aad kala maarantaan, muruqa maw kuustay

  • Dhigta madaxa qabo oo xadhkaha, meeshan ku adkeyso

  • Midkan saar dheriga oo caaradka, u meel day

  • Manfacaan cuneyniyo wixii, maqal adduunyaada

  • Masakiin caruur iyo markuu, maadhka wada qaado

  • Muusanowga suulkiyo faraha, ma uga miidaartay

  • Miisaan kaciisana qalbiga, mawga muxubbootay

  • Ma hingaday hi’duu yidhi sidii, haadda ma duulay

  • Sidi neef maroodiya markuu, cagaha miisaanshay

  • Ma ku mariyey meel lahayd, maanta degi meysid

  • Minja dhuubanow adhi miyaad, maalinta odhani

  • Murqa kuusanow dibi miyuu, midhifna kuu qaadi

  • War wax lagu masaalaa ma jiro, magaca xoolaade

  • Yaa muran ka qaba xaajo waa, la isla meershaaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r