Yaa Kasbaday Cabdullaahi wuxuu tiriyey horraantii 1978kii. Kabaxaaydii gobolka Soomaali Galbeed ay ciidamadii Jamhuuriyadu sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya ay uga soo afarqaadeen ayuu aad uga xummaaday. Hargaysa isaga oo markaa tagay ayuu wuxuu ku billaabay:
|
|
|
-
Umma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e
-
Kasha muran ku yaaley xikmadi, kilinkilaysaaye
-
Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
-
Faalada kalayaha buuxisiyo, kubada uurkayga
-
Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
-
Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
-
Ma kaakicine dhawr goor anigoo, kaalay odhan waayey
-
Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
-
Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududaba
-
Kol hadduu karsamay oo shidmayoo,, aad u kululaaday
-
Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
-
Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaasho
-
Shini kaalufkeed galiyo siddii, koronkorow oomay
-
Ama ceel karkaarada jabshiyo, webi karaar dhaafay
-
Ama kaal danley qeybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
-
Siddii koronka iyo koorta iyo, kololo’ii Raage
-
Konton iyo kun xaajoo mmurgiyo, waayo kala kaan ah
-
Oon lagu kama’in baa jiroo, nalagu keenaaye
-
Wax kadliyo kadaalibaa ordoo, kuududaa badane
-
Kubka iyo ka biixida jabshaye, sii kirkira meesha
-
Karin buu u deydaya hayaa, wuuna kabayaaye
-
Kaftanna ma aha ee waa kooshkalaan, keebka liishada e
-
Kurtun baaba loo fiiqan ooy, kalax qoraayaane
-
Kallifaa aan layskula kami’in, yaa kasbaday mooyi
-
Kanbalkay lahayd jilib carriyo, meel kabdhoodka ahe
-
Garta keedii kaabiga galay, ee lagu kawaanleeyey
-
Kiskisaha midaa lagu xakabay, kaddinna loo diidday
-
Kolkaan maalmo koolkooliyey, dib u kadlaysaaye
-
Katibkan aan ka kaaftoon lahayn, yaa kasbaday mooyi
-
Karbaash loo yagooree ritigaan saaray, kabad weyne
-
Kiintaalkayga koobuu noqdaa, koronkortiisiiye
-
Baq karuursha loo yeel haddaan, caano kaydsado e
-
Kildhi iyo kafee waan helaye, koobab baan jirine
-
…
-
Ka u baahi ciilka u noqdayee, ciil ka kori waayey
-
Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye, uur kubada yeeshay
-
Kuwa waliba kaskiisa waxaa, loo kabtiyayaane
-
Mid kororsi bay daaran tahay, xeeshan kaariniye
-
Kaafka iyo kala-dheeridaa, la isku koosaaray
-
Inay keeni baad garan wuxuu, rag isku koosaaaray
-
Kurbada iyo walaacaan qabniyo, kaarka nagu raagay
-
Malaha kibis la quutayo dadbaa, looga dhigay kawle
-
Haddaan nala kadeedayne, way kadab go’aayaane
Dadkayagu kadaab uma badaniniyo, reer ma kaadsado eMaskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaareKullina waan baryeynaa Allow, keen xornimadiiyeKalsoonidan lunteee Cali-Katiin, kulankiinoo diidayIskulaal ismana kaashadkiyo, koodka nala saarayKiis nagu xukuman baa jiriyo, yaa kasbaday mooyiIlaahay Kariimow adoo, kaliya mooyaaneKarti lagula sheegtiyo awood, kale ma dhawrayneKalaamkaagii baa lagu sitaa, wali kitaabkiiyeYementa Koonfureed kii wacdayiyo, Kuuba iyo RuushkaEe nacab kufaaroo kibriyo, Kiristaanka u yeedhayKaraamadii Rasuulka iyo anoo, taadii kaashanaya…Dhulkay naga kaxeeyeen Allow, yaa kasbaday mooyiIn Islaamku gaal kabo u sido, yaa kasbaday mooyiKiinyadii xumayd iyo Axmaar, kadaf ah oo liitaKaneecadiyo kudkudahaa intaad, naga koraysiisoKoodhiga intay nagu guraan, yaa kasbaday mooyiKob dagaal ah fulay kayn galiyo, ma lihi kayrkayrleCimli korodhsadkiisiye xikamadu, nagauma koobnayneMeel kuray ka dheelaa Iblays, nooga koor-lulayeKafiyo Boortaqiiskii Gurey, riday kabaalkiisaIyo kii Daraawish kabiyo, Koofil qoladoodaIyo Kuubadii Kaastariyo, aarmi KurushoofaKu waliba kolkuu rabo hadduu, nagu dul kaajaayoKu kar-celinta iyo ciilkan, waan karara’aynaayeInta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo KiristaaminMalaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laayaOon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deyninIlaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid
|
|
Be First to Comment