|
|
- Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday
- Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba
- Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole
- Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay
- Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene
- Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin
- Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe
- Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene
- Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene
- Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene
- Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa
- Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye
- Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede
- Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye
- Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane
- Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe
- Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina
- Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane
- Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye
- Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye
- Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e
- Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe
- Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba
- Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede
- Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele
- Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye
- Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone
- Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo
- Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya
- Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle
- Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne
- Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye
- Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay
- Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay
- Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo
- War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye
- Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye
- Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka
- Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e
- Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene
- Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey
- Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso
- Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba
- Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda
- Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke
- Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay
- Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e
- Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse
- Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene
- Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye
- Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene
- Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay
- Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya
- Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba
- Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay
- Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane
- War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo
- Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e
- Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile
- Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay
- Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye
- Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane
- Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh
- Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle
- U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe
- Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode
- Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale
- Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta
- Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye
- Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey
- Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene
- Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne
- Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa
- Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e
- Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna
- Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane
- Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey
- Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro
|
|
Be First to Comment