Press "Enter" to skip to content

Xulka K/Cagta Qaranka oo galabta la kulmaya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ,iyagoo galabta kulan muhiim ah 4:00 PM xilliga Geeska Afrika la ciyaari doonaan dhiggooda Mauritius,

Tababare Yuusuf Cali Nuur ayaa xulka qaranka u rajeeyay guul maadaama ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay,wuxuuna  ku booriyay in ay muujiyaan feejignaan, kalsooni iyo dadaal dheeri ah si ay u gaaraan natiijo wanaagsan oo ay ku farxaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed iyo dhammaan bulshada ku xiran kubadda cagta ayaa guul u rajeeyay xulka qaranka oo laga soo kala xulay gudaha Dalka iyo Dibadda.

Kulanka galabta ayaa ah lugta koowaad ee ciyaaraha hordhaca ah ee isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika ee 2027.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r