Press "Enter" to skip to content

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa Ciidanka Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay Ibraahim Muumin oo katirsanaa Khawaarijta.

Ibraahim Muumin ayaa sanado ka hor kaga biiray khawaarijta degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna tababar 3 bil ah kusoo qaatay degaanka Dhasheeg Waamo oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, isagoo kasoo dagaallamay degaanno ay ka mid tahay Harboole ee isla Gobolkaas.

Ibraahim ayaa sheegay in Khawaarijta ay diinta ku been abuurtaan islamarkaana ay shacabka ku hayaan dhac iyo boob joogta ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r