-
Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e
-
Xiniinyoolihii kula sinnaa, waa ka xoogsadaye Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode
-
Liiraha rag baa xamar u tegay, oo u xeeb maraye Niman baa dayuurado ku xidhan, xiima samadaase Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede
-
Niman baa xaraabada galoo, xoolo saanyada e Hablaha xuurul caynta rag baa, xeel ku guursada e Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e
-
Soddon gu’ baan ku xasaamiyeyiyo, weliba xaalxaale Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxiyohow toose Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele

Be First to Comment