Press "Enter" to skip to content

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Muqdisho(SONNA);-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminayay wafdi ka socda Wasaaradda, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku soo gabagabeeyey kulamo shaqo oo muhiim ah.

Kulamadan ayaa waxaa uu la yeeshay madaxda sare ee Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo sidoo kale madaxda shirkadaha waaweyn ee dhinaca difaaca.

Wafdiga la socday Xoghayaha Joogtada ah ayaa isugu jiray Agaasimayaal Guud, Agaasimayaal Waaxeedyo, Madax-Qaybeedyo, la-taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda, iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r