- Xirfad maqan xuruuf la isku daray, iyo xarafyo aan muuqan
- Xariiq jeexan xaalado qarsoon, xaashi kula taala
- Xusuus qorid xisaabo aan lahayn, xaajo oday dooni
- Xayn diratay xardhimaale iyo, xuufle daba taagan
- Xumaan dalab xariif jaamici ah, xeel nin kula gaadi
- Xoogsade af-miinshaar ah, oo xero-bilaash ootay
- Xaaraanta kama caagane iyo, xoogsade iyo boobe
- Xidh libaax dad-qaad ahi galo iyo, xuunsho laba baad leh
- Xayndaab la ii dhigay, sidaan ugu xambaarooday
- Xanaaqii sidaan ula gagabay, amaan u xayraamay
- Xigmadaydii wali Baashiyow, sooma xaadirine
- Xalay ka horba suugaantu, way iga xijaabnayde
- Xinjir bururtay xudun dooxantay, iyo xidido naafoobay
- Xabadihii ku dhacay geesigaan, xubin fayow haysan
- Ee xagasha looxu ugu jiro, xoogguna curyaamay
- Dhaawaca sidii uu yahay xashiish, meel walba xooray??
- Een helin xanaano iyo cunto, ee xalay qadee ooyi
- Xanuunkiyo rafaadkuu qabiyo, gaajo la xabeebtay
- Xusni iyo xiqdi iyo ciil dartiina, xoodhin timahiisa
- Xafaarahan bugtaamay ee dibtii, xaaduna cadaatay??
- Iyo xaas ninkii qabay dhintiyo, xilo agoontoobay
- Dumarkuu xishoodku u sugmay, iyo xaawaley jilicsan
- Odayaashan xaabsaamay, ee xoosh cadaadigan ah
- Xaqa culimadii fidin jirtiyo, xaafidul qur’aanka
- Xertuu waday iyo sheekhii cilmiga, lagu xurmaynaayey
- Xarfadaha il-duug meel kaluu, xadhig ku yeeshaaye
- Xariirtiyo nimankii dharkaan, xidhano keenaayey
- Xeer li’i hiddiyo dhaqankii, ee xadda u yiilay
- Xagar hoostii odayaashayadii, xukunka qaadaayey
- Xabashida qaxootigii ka yimid, xamagtii caydhowday
- Xaqiraada joogtada ah iyo, xumaha loo gaysan
- Xishmad li’ida iyo dafiir, dhawr xasaradoode??
- Xidhayga iyo xatow-gooyadiyo, xeer islaam gudubka
- Xabaal qarinta xamag qabashadiyo, waliba xuub saarka
- Ku xadgudka xangaruufadkiyo, xanan ku jeexjeexa
- Dawlada xuquuqda u qortay, iyo xoolihii qaranka
- Xoxob galinta kala xeeriddiyo, xeedho madhan siinta
- Xunbo dhaydii laga nuugay iyo, xoor goh u reebka
- Midmidkii sidaa ka xantadana, gee xabsiga dheerka
- Xasuuqii gumaystaha ka daran, xaaladay mariye
- Xaqa inaan caddeeyaana, waa xaajo ii furane
- Xumaantaasi waxay noogu dhici, xididka beeraaya
- Xammaasadahan badan ee ku furan, xinkii Hargaysa
- Ama xamaasadaha badan ee jira, ee xulaya Soomaali
- Xasadka iyo xinkiyo cayda iyo, xulufo sheegsheega
- Xukuumadda bulshada laysku diri, xiisado abuurka
- Xamar iyo Waqooyiga Galbeed, kala xujayntooda
- Taasaay xaqiiqada runta ah, ka xabdhabaysaaye
- Xorayntii Soomalida Galbeed iyo, xaqaa duudsan
- Xafiisyadii wakiil looga dhigay, xidho dagaalkiiye
- Xilka madaxdii loo dhiibay iyo, xarumihii qaybta
- Xidigle iyo gaashaamayaal, Xoogga laga keenay
- Xadayaasha boonada Jigjiga, xadhiyihii saadka??
- Iyo xoghayihii baw kordhiyo Xaashi Cumar Nuure??
- ………… xeegaan biyo ah xagagaf aan buuxin
- Xuud oomay xayawaankii kale, xal u hanbayn waaye
- Xaabsaday xafiiskanay ku xalinaayaane??
- Xabbad-joojintaa nagu dhacday iyo, xarakadaa taagan
- Waa xaafado u kala madhki iyo, xumahay beereene
- Iyo xaabaday ololiyeen, xiinka ka baxayaaye
- Xakamaha fidaa’igii la sudhay, Xabashi laynaayey
- Xiniiyaha dib loo soo dhuftay, ee xiidmuhu ordaayo
- Xaalkii gumaystaha, qabyaalado xusuusinta
- Xarbo galin dhexdoodana falka, iyo ha isku xaaqmeenta
- Xasadkiyo xigaal gawraciyo, gaar u xarakadaynta
- Anigoo si xog-ogaalnimo ah, u xabad qaadaaya
- War xaaladdu waxay daaran tahay, lala xudhlaynaayo
- Xad ku sheegan inuu soo dagaa, Xaylo Maryama e
- Xero Cadan dhexdeeda ahna, Ruush kala xidhiidhaaye
- Hayeeshee xaqiiqadu ka weyn, shay la xadayaaye
- Xayaatada Soomaalidu markii, ay xasili wayday
- Xisbi Yurubku Baarliin, shirkuu xin ugu qeyb qeybshay
- Xaskuu galiyey umaaddaan ka hadhin, ee u wada xaytay
- Xeel iyo siyaasaba dadkii, xoog dabka u jiidhay
- Xaajooyinkoodii markii, xaakimku u eegay
- Xaqbaa calankan lagu siiyey, iyo xukun Ilaahaye
- Xisbiguu Kacaanku u dhisay, iyo xoogan barakaysan
- Inta ay xalaal ula wadaan, xaajiga hogaamin
- Xagga Eebahay buu ka yahay, xaraman aaminan e
- Ninkastoo xumee lihina wuu, ku xayirmaayaaye
- Ximri-dhiigu ragguu saaran yahay, xuurtuna ilaashan
- Iyo xaasidow maanta waa, xero ba’aagiiye
- Xudhxudha iyo xamxamtaada iyo, hoos u xamashlaynta
- Xaafado wareegaysadkiyo xeel, u socodkaaga
- Xirib-jabinta boqon xaabintiyo, dabin xidhayntaada
- Xafiisyihiyo suuqyaha madow, xan iyo been sheegga
- Carrabkaaga xanaf weynida iyo, xiiri ogidaada
- Goortaad xaglaha dhaansatana, xor isku sheegaaga
- Xalaalnimo ku faanka iyo qalbiga……
- ……
Nasiib daro gabaygan dhamaadkiisii ma hayno. Haddii aad dhamaystiri karto nala soo xidhiidh.
Be First to Comment