Press "Enter" to skip to content

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay xildhibaannadu kaga doodayaan wax-ka-beddel lagu sameynayo Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka.

Doodda kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saareysa qodobbada la xiriira awoodaha Labada Gole iyo habraaca sharci-dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqeynayo sida loo waafajin karo nidaamka dastuuriga ah iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha sharci-dejinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, si loo helo hannaan sharci oo sugan, hufan, kana tarjumaya baahiyaha dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r