Press "Enter" to skip to content

Xafiiska amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsan guddiyada amniga Dowlad Goboleedyada

Muqdisho (SONNA): Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan ku saabsan diyaarinta hindise sharciyeedka guddiyada amniga dowlad goboleedyada, kaas oo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socda dowlad goboleedyada.

Kulanka oo socon doona muddo 3-maalmood ah ayaa la doonayaa in lagu xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka. Kulanka ayaa u jeedooyinka laga leeyahay waxaa kamid ah:

1. In la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay.

2. In la qeexo hawlaha guddiyada amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo dheellitiro baahida amniga gudaha iyo ilaalinta madax-bannaanida.

3. In la horumariyo habraacyo isku-xidhan oo siyaasadda iyo go’aan qaadashada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

4. In la dhiso sharci aasaasi ah oo qeexaya awoodaha, qaab-dhismeedka xubinnimada, iyo hababka wada-shaqaynta.

5. In la abuuro habab isla-xisaabtan oo wax ku ool ah si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn.

Dhamaadka kulanka, waxaa la filayaa in ka-qaybgalayaashu ay ka gaaraan faham guud oo ku saabsan qaab-dhismeedka maamulka amniga ee Soomaaliya sida uu dhigayo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee 2023, isla markaana ay ku heshiiyaan mabda’a wada-shaqeyn iyo is-koordinayn oo u dhexeeya xafiiska aminga qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa kalsoonida iyo lahaanshaha siyaasadeed ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed si ay u hoggaamiyaan wajiga xiga ee dib-u-habeynta amniga iyo xasilinta nabadda dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r