- Haddii xaasid kula soo dago iyo, xeel ninkaa badiya
- Xuduud lagu heshiiyiyo haddad, xeer la dhigan waydo
- Maalin ay xaqiiqadu luntay oo ay, xagashu kaa daacday
- Xanbaarada markuu kula helo ee uu, xabadka kaa fuulo
- Is xaydxaydka iyo muranku, waa doqonta xaalkeed e
- Ilaahii adduunka iyo xifdiyey dunidan xoogeeda
- Ma xukumin adoomaha inaan ugu xumaanaaye
- Laba xadhiga kala jiidata iyo xaasid bay heleye
- Xaashaa Lilaahiye anaa, xaday naftaydiiye
- Anna xaalka ii muuqda een xalayto soo jeeday
-
Nin weyn oo la xeela baan arkay, ooy niman xabaaleene
-
Xariifnimada badow loo qabta iyo, xadhigii loo qoolay
- Xaataa hadduu garan hayana, kama xanaaqeene
- Xanfafka iyo xanuunkii haddaan, Xaashiyoow aragnay
- Ama aan xornimo doonayno oon calanka xiisaynay
- Xaqiiqada xageedaba indhaha, kuma xagaysaane
- Nin ku xoogay xeeshaa ka daran kana xanuun weyne
- Xoolihii tasoobana tiraa, lagu xusuustaaye
-
Xawadaada lama iibsado iyo laba xiniiyood ee
-
Xamiidana xisaab jeer luntay bay, gogosha xaadhaaye
- Xasanaadkii aan daadinaan, orod xaflaynaaye
- Xaqiiqada fogaataan indhaha, Xamar ku taagnaaye
- Ogaadeenya xeel kama baxdo iyo, laba xasuuqaase
- Siddii xoolo yarad loo wado, oo xididna loo geeyay
- Kolba xarun intay buuxiyaan, laga dul xaajooye
- Inagoo xagii lagu socday iyo, xeesha garan waynay
- Xafiisyadan Hargaysa iyo intaan, Xamar wareegayno
- Wadan baan xoreeyay iyo anaa, xaadoow soo dhiciyey
- Iyo Adari xoogbaan ku maray, hadal xumaanteeda
- Ama xillo aan mehersanayn, reer la xididkiisa
- Ama saacad aan xadhig lahayn, xidhasho doonkeeda
- Ama xoolo aan reer lahayn, digo ka xaadhkooda
- Xaydh xaydhi waa yaab xagaa, xoolo dhacar taane
- Ogaadeen guryihii xays ku helay, hulo xumaantooda
- Xayadaa madow iyo intaan, xodayga doog moodnay
- Inaga oon xusuusnayn wadada, xaydashada oonka
- Xumaan saaxiibkaagii waday iyo, Xaashi baa curiyey
- Is xanaajinteenaan arkiyo, mala xumaanteena
- Xabaaloobi maysaan intuu, xaalku saa yahay e
- Iskana daa xornimo aan helno, oo laydhka loo xidho e
- Arin xunneey nin xoog leh iyo, maxaad badow xambaaraysay
Be First to Comment