Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo inuu u maqlay Abuuristii Aadmiga, wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel yahay, xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa. Sida caadada gabayada Macallinka oo dhan ah, waxaa dhex yuururta gabayga xikmad gaamurtay.
Xaawo iyo Aadan waa gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan uu ku hantiyey billadda gabayga Soomaaliyeed mar halabuurka Soomaaliyeed oo dhan Mogadishu lagu tartansiiyey. Kaalinta labaad markaa waxaa galay Cadhays Ciise Kaasrshe.
Wuxuu yidhi Macallinku:
1. Ilaahay markuu dunidan godey, ees giraangiriyey
2. Isagoo quruumana gadiyey oo, gab kaga siiyey
3. Sow Aadan oon gacal lahayn, gegi masoo taagin
4. Sow Xaawo feedha godan, ugama soo goynin
5. ………………………………………………
6. Ninba sow geyiga Eebbahay, geesta kama raacin
7. Goosan waliba meeshii uu tegey, sow rag kama guulin
8. Oo Geeska Afrikaad sow annaga, Guulle nama keenin
9. Adhiyo geel gammaan iyo lo’iyo, geedo kala jaad ah
10. Biciid gees leh garannuugtiyo, goodirkiyo cawsha
11. Geriga iyo deeriyo gunburi, goray hadaafaaya
12. Golcastiyo dabataagta iyo, guunyo dananaysa
13. Gabbadow shabeel gaatamiyo, haramcad guuxaaya
14. Maroodiga gollaha daaqayee, wada gaboodyeystay
15. Afka laguma wada gaadhiyo, gaar u kala sheege
16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo, qaar an gadannayno
17. Iyo gurada qaar laga koroo, orodka gawsiiya
18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn, gu’guna seegeynin
19. Oon dabeyli guri kaa rideyn, dahabna guurtaas ah
20. Durdur aan go’ayn goof birqod ah, webi gufaacaaya
21. Iyo beer dhaqsaba kuu go’doo, godadka loo jeexdo
22. Sow gorodda Eebbahay waxaa, nooma soo geline
23. Guud ahaan Soomaalidii sow, gees isuma raacin
24. Diintuba gallade sow Furqaan, laguma gowriirsan
25. Gaban iyo gabow sow qur’aan, gawda kama saarin
26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay, goortu noqotaaba
27. Barwaaqadii gadhoodhiyo nimcadoo, gililicdaa haysa
28. Shayddaan giblani waysagii, xeebta soo galaye
29. Gardarriyo waxay suubiyeen, caado gogoldhaafe
30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen, amay gumeystaane
31. Geedaafadaana Soomaaliyey, waan ka gubanaaye
32. Axmed Gurey intuu subax guntaday, sow shir uma guulin
33. Sow gulufku qaylada dhulkii, guure kuma jiidhin
34. Sow Gal iyo Caameer farduhu, gaasas kama keennin
35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar, laysma guubaabin
36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal, xadhigga loo giijo
37. Garmaqaate gaalleef mindiya, gudimmo xiireysa
38. Gamas waran billaawaha gayaxan, seef gal laga jiito
39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo, geesinnimo haysta
40. Sow gaashaandhig weeye dagaal, uma garwaaxeedsan
41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin, way gaggabiyeene
42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo, goobtii kama raacin
43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu, kama gariirsiinin
44. Guryihii faqriga sow kolkaa, dani ma gaadhsiinin
45. Kama gudose geed baa la yidhi, neef la gowracaye
46. Goommane dugaagguba ma karo, goobis kala jiife
47. Intii wiil gaboobaa nimani, way gabbanayeene
48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay, badaha gaaftaanba
49. Illayn tuug dadkoo gama’san, waa soo galbanayaaye
50. Gasadeenna iyo sow ma iman, ciidda gudaheeda
51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan, xumihii loo geystay
52. Sow gabayadiisii nafluhu, kama galiilyoonnin
53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer, lama galaayuusin
54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo, geenyo lama fuulin
55. Af-gumaas Shanlaha goyska iyo, Giirre Labammaar ah
56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh, godane Maadhiinka
57. Wajaf gowso weyniyo rasaas, gumucu qiiqaayo
58. Iyagoo gunaanaday naftoo, weliba gaadiid leh
59. Geydh kulul Daraawiishtu sow, uma gadaan-saarin.
60. Cadaawihii galdaasayey sow, lama gawaanraacin
61. Ha galgalato sow laguma dhigin, way gasbanayeene
62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin, waa geddii hore e
63. Kolkay taladu gow joogsatayoo, ciiddan laga giigay
64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed, ficil ma soo goohin
65. Giddigoodba sow maalintaa, nooma gacanqaadin
66. Dusha guudka xarunteenii sow, lagama soo gaadin
67. Dayuurado garnayl tuuri sow, weerar kuma gaacin
68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon, ama gabaaddiirta
69. Gambo xidho ma yeelaan kolbay, gobise liicdaaye
70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana, waad u geyllamiye
71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu, naga galoofoobin
72. Sow rag is galaalaa mar kale, uma gallaydhyeynnin
73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha, looma guruxsiinnin
74. Ha Noolaato geeraarkii sow, laguma soo gaabin
75. Galabtii caddaankii ogaa, goobta Dhagaxtuur ah
76. Galow ciyey haddii ay maqlaan, ama galool foodhyey
77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow, ma gobo’leynnin
78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee, layga gudhinaayey
79. Lixdankii anoo gool ah sow, gaaxdii kama maalin
80. …………………………………………..
Be First to Comment