Press "Enter" to skip to content

Xaajadaa laysku malaqsiiyey

Qamaan Bulxan ayaa go’aanka ku gaadhay inuu duulaan afkiisa laga habaabay ku kiciyo nimankii afadiisii, Barni Sheekh Cabdille, dhacay. Wuxuu u hub uruursaday marka roobku da’o, reeruhuna isu soo noqdaan ee Banka Qoraxey laysugu yimaado uu rag iyo ciidanba dumo oo uu dagaal haweenaydiisii ku raadgoobo. Wuxuu yidhi inta nasoo gaadhay:

  • Dadka maatada u kala tagtaan, muran ka oognayne

  • Haddii haatan lays kala maljaday, murug aduunkiiye

  • Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!

  • Ninba tuu miliilico haween, maraq la weeyaane

  • Waa midig kataal dumar ninkii, moodi tuu qabaye

  • Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!

  • Anoon marintideedii dayicin, meel fogna aan joogin

  • Oo shalay minkeedii tagay oo, gaadhi kara maanta

  • Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!

  • Iyadoo mandheeri cad qabtoo, socod mushaaxaysa

  • Oo aanan maqnayn oon fadhiyo, maqasha foofkeeda

  • Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!

  • Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso

  • Rabbi bow markhaati ah inay, meer la dhici naagtu

Soo dhamaystir..

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r