- Hararkiyo kabdaha lays dul dhigay, sida haldhaa baalkii
- Hilibka cusub haydaari wan iyo, sogob la hoogaanshay
- Hadhuub laban caanaha Hoyaad, halab karuurkeeda
- Habkaad igu baayici kabahaad, howda kaga yeedhin
- Habka fudud halkaan yeel ku odhan, hagar la’aantaada
- Haween baa tahaye adigoon, hadin kobtaan joogo
- Waa habi la’aan dhuunigaad, hoo i leedahaye
- Hindisaha Mulaaxaa qalbigu, haabo lee yahaye
- Haasaawahaan qeybsanaa magac habeenkiiye
- Adoon i hubsan soortaad haligi, haysku hanaq goynin
- Haraggayga unbaad arkiye, kuuma soo hoyane
Soo dhamaystir haddii uu qabyo yahay.
Be First to Comment