Press "Enter" to skip to content

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Muqdisho(SONNA);-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai, xilli uu socdo MWC Doha 2025.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhanka dijitaleynta adeegyada dowladda, hormarinta kaabayaasha ICT-ga, iyo amniyeynta seybarka.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga warbixiyay dowladda Qatar dadaallada ay Soomaaliya ku casriyeynayso adeegyada iyo dhismaha nidaam dhijitaal oo fududeynaya helitaanka adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ballaarinta taageerada, oo ay ku jiraan barnaamijyada maamulka dhijitaalka, tababarrada shaqaalaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r