Press "Enter" to skip to content

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar

Muqdisho(SONNA);-Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi,ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Korneyl Axmed Faathi Cabdelsatar Al-Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa,Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sare Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil kale. 

Intii uu socday kulanka ayaa waxa ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa, xoojinta  laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca, tababarka, iyo diyaarinta ciidamada Masar oo dhawaan ku soo biiri doona, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r