Press "Enter" to skip to content

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Muqdisho- SONNA-Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo  Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeybgalay gunaanadka munaasabad ku saabsaneyd soo bandhigidda iyo horumarinta hannaanka amni ee Soomaaliya.

Wasiirada Fartaag iyo Fiqi oo ka hadlay munaasabaddii gunaanadka ayaa sheegay in barnaamijkaan uu tobankii sano ee la soo dhaafay door muhiim ah ka qaatay yagleelidda qaab-dhismeedka amniga oo la tilmaamay in uu  gacan ka geystay mideynta siyaasadaha, xoojinta hay’adaha amniga iyo kor u qaadidda aqoonta iyo kartida ciidammada iyo laamaha amniga dalka.

Wasiirradu waxay sidoo kale uga mahadceliyeen Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca, iyagoo tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay UK uga go’an tahay garab istaagga dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dal nabad ah oo xasilloon.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka  ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Aweys Xaaji iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r