Press "Enter" to skip to content

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaasoo ujeedadiisu ahayd dardargelinta dadaallada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka, gaar ahaan dadka xoola-dhaqatada, iyo xoojinta arrimaha farsamo ee la xiriira horumarinta wax-soosaarka kheyraadka xoolaha.

Madaxa WFP, oo ah masuul sare oo hadda loo magacaabay hogaaminta barnaamijyada WFP ee Soomaaliya, ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa WFP iyo Wasaaradda.

Labada dhinac ayaa si qoto-dheer uga wada hadlay xaaladda cunno-yari ee dalka ka jirta iyo sidii loo laba-laabi lahaa faragelinta hadda la awoodo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray marxaladaha adag ee ku saabsan gar-gaaridda iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, WFP iyo Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay in si dhow loo iska kaashado xoojinta arrimaha farsamo, si loo abuuro fursado dheeri ah oo maalgelin loogu sameeyo horumarinta wax-soosaarka xoolaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r