Press "Enter" to skip to content

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka qayb galay shir lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya

AnkaraSONNA):-Shir heer sare ah oo lagu xoojinayo saaxiibtinnimada iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madasha shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka Afrika, gaar ahaan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga qeybgelaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socota dalal kala duwan, kuwaas oo ka doodi doona horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska iyo is dhexgalka dadyowga labada dal.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r