Press "Enter" to skip to content

Wasiirka warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah

Qaahira (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka 55-aad ee golaha wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas, mudane Cali Cabdi Awaare.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r