Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Tamarta oo qaabilay agaasimaha cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaliya mudane Hameed Nuru.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta maamulka biyaha, kobcinta karaanka aqoonta hay’adaha dawliga ah, iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha (Hydrological Modeling).

Wada-shaqeyntan waxa ay laf-dhabar u tahay qorshaha qaran ee lagu xaqiijinayo helitaanka biyo waara oo la isku halleyn karo guud ahaan dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r