Press "Enter" to skip to content

wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha oo kormeeray xarunta wasaaradda oo dib u dhis ku socdoa

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Xil. Abdullahi Bidhan Warsame, ayaa maanta kormeeray shaqada dib-u-dhiska iyo casriyeynta ah ee ka socota xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Inta uu ku guda jiray booqashada, Wasiirka oo uu weheliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Maxamed Cabdullahi Faarax ayaa indha-indheeyey:

– Dib-u-dhiska iyo dayactirka xarunta dhexe ee Wasaaradda;

– Kaabayaasha amniga iyo qaybaha la xiriira sugidda ilaalinta xarunta iyo qaybta koronta siinta Wasaaradda oo la dhigay nidaamka cadceeda ku shaqeeya.

– Qalabaynta iyo agabka lagu diyaarinayo gudaha dhismaha si loo helo xafiisyo casri ah.

Intii uu socday kormeerka, Wasiirka ayaa si gaar ah u indha indheeyay heerarka uu marayo dhismaha iyo tayada agabka la isticmaalayo.

Wasiirka ayaa booqashada ka dib u sheegay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa shaqada in booqashadan ay muhiim u tahay hubinta in dib-u-dhiska Wasaaradda ay u socdaan si daahfuran, isla xisaabtan leh, kana tarjumaya baahiyaha Wasaaradda ee mustaqbalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r