Press "Enter" to skip to content

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha bulshada ee labada dal.

Kulanka waxa ka soo baxay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, kaas oo lagu dardargelinayo barnaamijyada lagu xoojinayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada. Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo walaaltinimada ay u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r